Geediga Dimuqraadiyadda iyo Galgalashada Garoowe

Dimuqraadiyad, xisbiyo badan, iyo in Shacabku doortaan hoggaankooda maaha, guud ahaan, wax ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliya, gaar ahaan reer Butlayn, oo erayada noocaas ah dhagahoodu qaayibeen taniyo curashadii maamulkooda. Sannadkii 1998 maamulka Butlayn waxaa dhidibbada loogu taagay mabaadi’ xanbaarsan dimuqraadiyad iyo awoodsiinta shacabka, mar danbese erayadaasi waxay isu baddaleen ama loo qaatay halkudhigyo siyaasiyiin dan luhu dhowrkii sanaba mar jeebka kala soo baxaan! Taasina waxay sababtay rajo-beel, iyo filasho la’aan shacabku ka qaadeen madaxdii kala danbaysay ee Butlayn. KuFashilka hogganka ee hanashada yoolkaas wuxuu sababay niyad-jab shacab oo baahsan iyo quus. Sida iska cad, higsi, isbaddal siyaasadeed, iyo horumar kuma yimaaddaan in la hadal-hayo, ee waxaa lagu gaaraa helidda hoggaan kulansaday hadaf, ka go’naansho, iyo kudhiirrasho.
In rag leh damac siyaasadeed ku kacaan Falal lid ku ah amniga iyo kalaDanbaynta, khalkhalgalinaya xasilLoonida iyo nolosha dadka, isla markaana raggaasi ku dhiirradaan in ay qori la hor istaagaan rabitaanka shacabka, waa nasiibdarro wayn; hayeeshee haddii ficillada noocaas ahi muujinayaan maangaabni iyo ka-Arradnaan aragti siyaasadeed, waxay kaloo muujinayaan ka go’naanta kuwa neceb isbadDalka iyo sida ay mintidka ugu yihiin in aan marna laga guurin xeryaha dulinka badan. Guud ahaan dunida, rabitaanka siyaasadeed ee ku dhisan arkaajiray-doonnimadu waligiiba wuxuu ahaa mid ku dhisan cabsi iyo timaaDdada oo la baasaysto. Sababtu wax kasta ha noqotee, kuwa la saaxiibay isbaddaLla’aanta iyo kuwaaridda sida bulsho markaas tahay, waligood waa ka dammanaayeen hayaanka dabiiciga ah ee ka socda hareerahooda, marka se ay ku soo baraarugaan, si miyirla’aan ah ayay ugu hor kufaan hormuudka geeddigaas. Geediga Butlayn, haatan waxaa hoggaanka u haya Siciid Deni. Inuu noqdo gurgurshaa maatakoris ah oo la mahadiyo iyo inuu ruqaansanba waayo; dib u dhaco markuu jilbaha qaado, oo cid danbuu raro daaye, laftiisa halkaas sarta looga la baxo, waxay ku xirantahay hadba sida Madaxweyne Deni u maareeyo tijaabooyinka haatan hor yaal.
Deni, Haddii uu filayay in caleemo qoyan loogu lulo, cid kastaana la tabantaabiso geeddiga uu ku baaqay waa uu maalin-riyooday. Haddiise uu maanka ku guntay in ay dhab ahaan jiraan masaaliix iyo dano si wayn uga hor imaanaya hadafkiisa ah in Butlayn guurto, waxa hadda Garoowe ka socdaa waa qayb uun ka mid ah xaqiiqooyinkaas uu sii ogaa. Masaaliixda iyo danaha gaarka ahi, waxay mar kasta la qabsadaan, isla markaana la falgalaan haddba nidaamka siyaasadeed ee markaa jira, haddii nidaamkaasi noqdo mid muddo dheer hal dariiq ku socda, masaaliixda iyo danaha gaarka ah ayaa noqda xidiDdada iyo lugaha nidaamkaasi ku taagan yahay. Nidaamka Butlayn ka jiray muddada dheer, wuxuu abuuray masaaliix iyo dano gaar ah oo la qabsaday joogtaynta habkii jiray, isla markaana diyaar u ah xoog iyo xeeladba in looga hor tago isku day kasta oo isbaddal. Butlayn, haddaba, in ay ka kacdo xerada ay taallay muddada rubucu qarniga ah waxay u baahan tahay dhiirrasho iyo feejignaan. Ku Dhiirrasho in shacabka heellan la siiyo awoodda soodoorashada hoggaankooda iyo ka feejignaan hagardaamooyinka toos ah iyo qaar badan oo aan ahayn toos.
Haddaba, marka la ogyahay jiritaanka caqabadaha iyo xagaldaacinta ka imaanaysa gudaha Butlayn iyo dibadDeedaba, siday geed dheer iyo mid gaabanba ugu fuushanyihiin kuwa ku foogan fashilinta geediga dimuqraadiyadda reer Butlayn iyo sida naf iyo maalba ay ugu bixinayaan hirgalinta hammigooda gaaban: ma waxay noqonaysaa in loo nagaado? In laga fisho in danlaydu waa danbe u tanaasuli doonaan shacabka? Jawaabta fudud waa maya: IsbadDal-siyaasadeed kasta wuxuu leeyahay xilli uu bisil yahay ama sadkiisu buuxo, hoggaanka mar hela fursaddaas ee beelihiyaana dib uma helo. Marka la eego dareenka iyo garabIstaagga shacabka, waxaan aamminsanahay ma jiro xilli ka habboon oo Butlayn u guuri lahayd dimuqraadiyadda, in fursaddaasi luntaana waa nasiibdarro ay adag tahay in laga soo waaqsado. Kuwo isku dayaya inay afduubtaan masiirka shacabka waa in aan loo ogolaan. Kuwa damacsan qorrax dhalanaysa in ay sacabBada ku celiyaan ha la xaqiijiyo in nuurkeedu ka rido indhaha, maxaa yeelay waa dabiici in ay sanbuukhada ku qaadato kuwo doona in ay hor joogsadaan buuxsanka sanada.
Qoraa: Yuusuf Aadan

Share:

Follow SamaTV on social media

Facebook
Twitter
LinkedIn

More Posts

Massive Fire Devastates Border Market in Wajaale
Massive Fire Devastates Border Market in Wajaale
Al-Shabaab Senior Leader Issues Warning Amidst Recent Developments in Somalia
Al-Shabaab Senior Leader Issues Warning Amidst Recent Developments in Somalia
FGS delegation arrives in Lasanod as Somaliland threatens new offensive
FGS delegation arrives in Lasanod as Somaliland threatens new offensive
Yemen’s Houthis heading to Riyadh for ceasefire talks with Saudi Arabia
Yemen’s Houthis heading to Riyadh for ceasefire talks with Saudi Arabia
Catastrophic Flooding in Eastern Libya Leaves Thousands Dead and Missing
Catastrophic Flooding in Eastern Libya Leaves Thousands Dead and Missing
At least 296 dead after 6
At least 296 dead after 6.8-magnitude earthquake strikes southwest of Marrakesh, Morocco
Sierra Leone's Capital Faces Power Cuts as Karpowership Halts Supply Over Unpaid Debt
Sierra Leone's Capital Faces Power Cuts as Karpowership Halts Supply Over Unpaid Debt

Advertisements

Previous
Next

Preference

News Letter

Get latest news directly in your inbox.

Copyright © SAMATV All Rights Reserved