Xamar iyo isdiidooyinkeeda

Meeshaan Xamar aa la dhahaa. Dadka laba laba telephone aa lawada wataa, laakin midna mala qabto nooh. Perfume-ka iyo Saacadda adduunka ugu qaalisan waxaa ku arkeysaa magaaladaan. Raashinka nooca aad rabtid waad heleysaa Min Fuul illaa Carbonara. Wadada Maka haddii aad KM4 ka biilowdid illaa iyo Buurka Sayidka waa sida adiga oo Gobolada Soomaaliya ku safraayo oo kale, lahjado iyo afaf kala duwan aad ugu tageysaa. Area kasto waa macruuf dadka lagu yaqaano, oo ay geed fadhiga u tahay.
Min dallaaliinta, illaa farsamayaqaanada Mukeefka baabuurta, Ardayda Jaamacadda iyo Jaadleyda. Hayat iyo Xaaji Baasto, Somnet illaa Mr. Furuto lahjadaha iyo dhaqanka waa sida adiga oo Ras Kamboni ka soo baxay oo Hiiraan lug ku tagay oo kale. Akram iyo Late night markaad mareysid waxaad galeysaa Mudug, illaa aad Dayax iyo Wehliye ka gaartid oo aad Bari iyo Woqooyi ka tillaabtid.

Markii aad Madaxtooyo aadid, waa sida adiga oo Maabka Soomaaliya dhanka qoortii todobada galay. Woqooyi aad dhex mushaaxeysaa illaa aad Hotel Sanaag ka tagtid. Intaas waxaa mar kasto dhextaal u ah afafka Carabiga, Ingiriiska, iyo luqadaha Yurubta yaryar(Scandinavia). Qurbo-joogta waa bulsho kale.
Dadka waxaa ugu style qurxan kuwa local-ka. Waxaa ugu bakhiilsan diasporada. Waxaa ugu sabar badan local-ka, waxaa ugu xanaaq badan diasporada.
Qof kala jecel qabiilkaaga malahan meeshaan. Qabiil “Deal” la dhaho aa ka jiro magaalada. Kaasaa lagu mideysan yahay. Dadka dhan isku lahjad waaye, laakin kama dhigno in ay isku qabiil yihiin. Guur ka waa sahlan yahay, gaabsigaa ka sii sahlan.
Hormud Anfac Barnaamij la dhaho ay leedahay, laakin Whatsup-kaa laga jecel yahay.
Labiska rasmiga ah ee wiilasha waa suud. Ka hiddaha iyo dhaqankana waa Qamiis, ama Macawiis.
Gabdhaha iyaga labiskooda rasmiga ah waa Dirac, kan hiddaha iyo dhaqankana waa cabaayad iyo Maask.
Kuwii xilalka haayay waa is qarinaayaan, kuwii aan xilalka hayninna waxaa loogu wacaa Agaasime, Ugaas, Taliye iwm.
90% Wasaaradaha, iyo Hay’adaha kale ee Dowladda ee loogu tala galay adeeg bixinta shacabka, sideedaba dhismaha iska daaye xitaa jidka ay ku yaalliin shacab maloo ogolo. Adeegga Wireless waaye aan is dhahay. Qof kasto oo Laptop wato, oo Coffe Shop fadhiyo shaqo ma haayo. Qof kasto oo shaqo doon ahna shaqo kasto iskama rabo. Dadka kuwa faqriga ah waxay deggan yihiin guryo hawo leh, iftiin leh, playground, geed iyo open air space leh. Kuwa hodanka ahna waxay deggan yihiin guryo iyo musqulaha isku dhex yaallo. Blocks appartement la dhaho oo aan lahayn meel ay ilmaha ku ciyaaraan, hawo iyo iftiin midna.
Doogga kaliya ay arkaan waa roog caws fake ah. Saxaradooda booyadaa qaaddo, dariskoodana isma arkaan.
1% ugu hodansan magaalada waxa my ku nool yihiin afar derbi oo aan hawo, iyo iftiin dabiici ah aan lahayn. Daris malahan, askar ayaana ku hareersan. Xabsi ma ahan waxaan tilmaanaayo. Waa guryo run ah.
Haddii aad taqaanid qof qof yaqaano qof uu yaqaano qof uu sii yaqaano, waxaa laga yaabaa in albaabo badan laguu furo. Laakin haddii aad taqaanid qofkii saxda ahaa, albaab iska daaye xitaa qalbiyadaa laguu furaayaa.


Check Point, Saf dhaqtar, Saf Tima Jare, Waiter, illaa Interview shaqo iyo short list waxaa fududeeyo Hal password. Waxaa la dhahaa “71206 Furaha meeqo waaye”.
Ragga iyo Dumarka madowgaa la ammaanaa, caddaantaase la raadiyaa. Hufnaantaa laga hadlaa, musuqmaasuqaa la quutaa.
Dukaan yar haddaa fureesid oo lagu iibiyo alaab china laga keenay, ama Biibito macmacaan lagu gado Mediaha aad ballansaneysaa si waxqabdka aad “Dalka” ku soo kordhisay loo arko.
Wadada ugu fudud ee mushkilad lagu xalliyo waa mushkilad kale abuuristeeda. Tuugaa timaaday, Bajaajta Habeenki hala joojiyo si dadkii ay dhici lahaayeen iyo tuugada loo kala badbaadiyo.
Bilicda magaalada waxaa culees ku ah guryo ay dowladda leedahay oo burbursan, iyo laamiyo ay biyo dac fadhiyaan. Si loo xalliyo lo’da hala bireeyo.
Jaamka aa soo batay sababtoo ah 70% wadooyinka magaalada waa xiran yihiin, maxaa xal ah ? Bajaajta hala joojiyo.
Askartii Bajaajlayaasha way dileysaa maxaa laga sameeyaa? Bajaajta keenisteeda hala joojiyo.
Ma dhameystirno, ceeb ka saliim ma ahan. Is-diidooyinkeeda iyo wajiyadeeda badan aan ku wataa.

Qoraa & Samofale Mohamed Haji

Share:

Follow SamaTV on social media

Facebook
Twitter
LinkedIn

More Posts

Massive Fire Devastates Border Market in Wajaale
Massive Fire Devastates Border Market in Wajaale
Al-Shabaab Senior Leader Issues Warning Amidst Recent Developments in Somalia
Al-Shabaab Senior Leader Issues Warning Amidst Recent Developments in Somalia
FGS delegation arrives in Lasanod as Somaliland threatens new offensive
FGS delegation arrives in Lasanod as Somaliland threatens new offensive
Yemen’s Houthis heading to Riyadh for ceasefire talks with Saudi Arabia
Yemen’s Houthis heading to Riyadh for ceasefire talks with Saudi Arabia
Catastrophic Flooding in Eastern Libya Leaves Thousands Dead and Missing
Catastrophic Flooding in Eastern Libya Leaves Thousands Dead and Missing
At least 296 dead after 6
At least 296 dead after 6.8-magnitude earthquake strikes southwest of Marrakesh, Morocco
Sierra Leone's Capital Faces Power Cuts as Karpowership Halts Supply Over Unpaid Debt
Sierra Leone's Capital Faces Power Cuts as Karpowership Halts Supply Over Unpaid Debt

Advertisements

Previous
Next

Preference

News Letter

Get latest news directly in your inbox.

Copyright © SAMATV All Rights Reserved